HomeWararQaar kamid ah dadkii shalay lagu rasaaseeyay Muqdisho oo falkaas ka hadlay

Qaar kamid ah dadkii shalay lagu rasaaseeyay Muqdisho oo falkaas ka hadlay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Qaar kamid dadkii shalay banaanbaxa ka waday Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho ee uu rasaas ku furay Nin ku hubeysnaa Bastoolad oo dharcad ahaa ayaa ka hadlay falkaas lagu rasaaseeyay. Dadkaas oo isugu jiray Saddex Gabdhood iyo Wii l oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in Nin hubeysnaa Bastoolad uu si bareer ah dushooda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qaar kamid dadkii shalay banaanbaxa ka waday Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho ee uu rasaas ku furay Nin ku hubeysnaa Bastoolad oo dharcad ahaa ayaa ka hadlay falkaas lagu rasaaseeyay.

Dadkaas oo isugu jiray Saddex Gabdhood iyo Wii l oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in Nin hubeysnaa Bastoolad uu si bareer ah dushooda ugu riday rasaas, kuna handaday Bastoolad uu watay, xili ay dhigayeen banaanbax nabadeed oo ay uga soo horjeedeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

- Advertisement -

Waxaa ay sheegay in banaanbixii ay ka dhigayeen Isgoyska Dabka ee Muqdisho uu ahaa mid ay kusoo bandhigayeen fikirkooda ku aadan doorashada dalka, hayeeshee uu weerar kusoo qaaday Nin hubeysan, kuna riday rasaas.

Sidoo kale Gabdhaha iyo Wiilka ayaa tilmaamay in falkaas kadib lagu qaaday gaari ay leeyihiin Ciidanka Booliska dowladda, isla markaana lagu xiray Saldhig Booliska degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, loona geystay jir-dil, wallow markii dambe lasii daayay.

Ugu dambeyn waxaa ay dalbadeen in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda, sidoo kalena caddeeyay inay kasoo horjeedan haabka uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku doonayo inuu ku qabto doorashada Soomaaliya.

- Advertisement -

Si kastaba baraha Bulshada ayaa siweyn u qabsaday muuqaal laga duubay Nin ku hubeysnaa Bastoolad oo rasaas dushooda ku raday Gabdhahaas iyo dad kale, sidoo kalena dhowr mar Bastoolada afkeeda ku aadiyay, isagoo ku handayay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts