HomeWararSheekh Shariif "Dowladda yaysan moodin haddii laga aamusay in laga baqay”

Sheekh Shariif “Dowladda yaysan moodin haddii laga aamusay in laga baqay”

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay dad bananabax ka dhigaayay Magaalada Muqdisho uu shalay rasaas ku furay Nin ku hubeysnaa Bastoolad oo dharcad ahaa. Sheekh Shariif oo ayaa waxaa uu sheegay in ay aad uga xun yihiin tallaabadii Ninkii hubeysnaa uu rasaaseeyay dad kooban oo u badnaa dhalinyaro, kuwaasi […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay dad bananabax ka dhigaayay Magaalada Muqdisho uu shalay rasaas ku furay Nin ku hubeysnaa Bastoolad oo dharcad ahaa.

Sheekh Shariif oo ayaa waxaa uu sheegay in ay aad uga xun yihiin tallaabadii Ninkii hubeysnaa uu rasaaseeyay dad kooban oo u badnaa dhalinyaro, kuwaasi oo Isgoyska Dabka ka waday banaanbax looga horjeeday Maadxaweyne Farmaajo.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay in tallaabada lagu xiray gabdhaha waday banaanbaxa ay tahay mid kasoo horjeeda dowladnimada, maadaama gabdhaha dushooda lagu riday rasaasta ay ahaayeen kuwo cabirayay fikirkooda oo aan waday hub, isla markaana falkaas loo qaadanayo in dowladda ay kasoo horjeedo Banaanbaxayada ka dhacaya Muqdisho.

Isaga oo sii hadlaayay Sheekh Shariif ayuu tilmaamay in haddii dowladda ay sii wado caburinta ay dadka heysto ay ka imaan karaan wax aan la fileyn, wuxuun sheegay inay dhiira-gelinayaa dadka banaanbaxyada doonaya inay ka dhigaan Muqdisho.

Ciidanka amniga dowladda Federaalka iyo kuwa NISA ayuu uga digay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif in loo adeegsado in shacabka lagu dhigaateeyo, isagoo sheegay in arrintaas Ciidamada looga baahan yahay inay ka waan-toowaan.

- Advertisement -

Hadalkaan ayuu Sheekh Shariif Ah Axmed ka sheegay Magaalada Muqdisho , kadib markii Maanta uu warbaahinta la hadlay, isaga oo hareer joogaan qaar kamid ah musharaxiinta Madaxweynaha.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories