HomeWararMahad Salaad “In shacab si nabad u dhigayay Banaanbax loogu jawaabo rasaas...

Mahad Salaad “In shacab si nabad u dhigayay Banaanbax loogu jawaabo rasaas waxay ka tarjumaysaa in Farmaajo quustay”

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaaa ka hadlay  banaanbaxyo looga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo oo ka dhacay  xaafado ka tirsan Muqdisho. Xildhibaan Mahad Salaad oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu sheegay in shacab si nabad ah u banaanbaxaya aysan mudneyn in loogu jawaabo rasaas xoogan oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaaa ka hadlay  banaanbaxyo looga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo oo ka dhacay  xaafado ka tirsan Muqdisho.

Xildhibaan Mahad Salaad oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu sheegay in shacab si nabad ah u banaanbaxaya aysan mudneyn in loogu jawaabo rasaas xoogan oo laga riday qoryo waaweyn, isagoo kulul u eedeyn u jeediyay Madaxweynaha.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Xildhibaan Mahad in falkii saakay lagu rasaaseeyay dadkii banaanbaxa dhigayay ay ka tarjumayso in Farmaajo ka quustay in kursi uu ku heli karo xeelad siyaasadeed,

“Shacab sacabooley ah oo si nabad ah u banaanbaxaya in loogu jawaabo Dabamiishaar (BKM), Dhashiike iyo Baasuuke (RPG) waxay ka tarjumaysaa in Farmaajo ka quustay in kursi uu ku heli karo xeelad iyo xodxodasho siyaasadeed, una jihaystay in uu wax ku goobo boob, bililiqo iyo dhiig la daadiyo!” ayuu yiri Xildhibaan Mahad  Salaad.

Ugu dambeyn Xildhibaan Mahad oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa tacsi u diray  dadkii ku dhintay rasaastii ay fureen Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa, halka kuwii dhaawacay uu Alle uga baryay inuu Caafimaad siiyo.

- Advertisement -

“Waxaan u tacsiyeynayaa shacabka aan waxaba galabsan ee maleeshiyaadka Farmaajo ku soo aruuriyay Muqdisho maanta xasuuqeen. Intii dhimatay Allaha u naxariisto inta dhaawaca ahna Allaha u boogo dhayo. Aamin” ayuu sii raaciyey hadlkiisa Xildhibaan Mahad Salaad.

Banaanbaxyo rabshado watay ayaa saakay ka dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee Gobolka Banaadir, waxaana rasaas ay fureen Ciidanka Booliska ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts