HomeWararMadaxweyne Muuse Biixi "Kenya kama yeeli doono in ay noo adeegsato Soomaaliya"

Madaxweyne Muuse Biixi “Kenya kama yeeli doono in ay noo adeegsato Soomaaliya”

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Axaddii todobaadkan gaaray Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya dalka ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Madaxweyne Biixi oo BBC-da uga warramay ujeeddada safarkiisa Kenya ayaa sheegay inuu u yimid si ay Kenya uga wada hadlaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimo dhowr ah. “Waa labo dal oo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Axaddii todobaadkan gaaray Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya dalka ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Biixi oo BBC-da uga warramay ujeeddada safarkiisa Kenya ayaa sheegay inuu u yimid si ay Kenya uga wada hadlaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimo dhowr ah.

- Advertisement -

“Waa labo dal oo jaar ah, Geeska Afrika ku wada yaalla, mid waliba uu kan kale u baahan yahay marka waxaan u imid in aan kobcinno wax wada qabsigayaga iyo dhinacyada dhaqaalaha, amniga, diblomaasiyadda, jaar wanaagga, nabadeynta Geeskan Afrika iyo caalamkaba,” ayuu yiri Biixi.

Madaxweyne Biixi ayaa shalay Madaxtooyada Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Ujeedada kulanka ayuu ku sheegay arrimo la xiriira danaha abada dal waa siduu hadalka u dhigay.

“Uhuru waxaan ka wada hadalnay danaha labada dhinac. Waxaan si qoto dheer uga wada hadalnay waxyaabo badan, geeskan aynu ku nool nahay sidii uu nabad iyo horumar iyo barwaaqo u gaari lahaa, wixii ka dhiman iyo guud ahaan caalamkaba dhibaatooyinka ka jira iyo sidii aan uga faa`iideysan lahayn fursadaha laga yaabo inay ka jiraan caalamka iyo Geeskaba,” ayuu BBC Somali u sheegay Muusa Biixi.

- Advertisement -

Kulanka labaad ee dhexmaraya Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay xalay xiriirka si rasmi ah ugu jartay dowladda Kenya.

Kenya ayaa lagu eedeeyay inay muddooyinkii ugu dambeeyay fara-gelin siyaasadeed ku heysay Arrimaha siyaasadda dalka iyo Madaxbanaanida Soomaaliya, taasina ay keentay inay Go’aan qaadato dowladda oo xiriirka loogu jaray dowladdaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories