HomeWararDab khasaaro badan geystay oo ka kacay Suuq ku yaalla Muqdisho

Dab khasaaro badan geystay oo ka kacay Suuq ku yaalla Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dab xoogan oo saakay ka dhacay Suuq ku yaalla xaafad ka tirsan degmada kaxda ee Gobolka Banaadir, kaasi oo heystay khasaaro hantiyadeed oo aad u farabadan. Dabkaas ayaa ka dhacay Suuqa ku yaalla xaafadda Galmudug dhinaca xigta kaxda, waxaana dad goobjoogayaal oo la hadlay Dalsan u sheegeen in dabkaas […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dab xoogan oo saakay ka dhacay Suuq ku yaalla xaafad ka tirsan degmada kaxda ee Gobolka Banaadir, kaasi oo heystay khasaaro hantiyadeed oo aad u farabadan.

Dabkaas ayaa ka dhacay Suuqa ku yaalla xaafadda Galmudug dhinaca xigta kaxda, waxaana dad goobjoogayaal oo la hadlay Dalsan u sheegeen in dabkaas uu ahaa mid xoogan oo socday muddo ku dhow saacad.

- Advertisement -

Gaadiidka Dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa dadaadlo kala duwan oo ay sameeyeen markii dambe ku guuleystay inay demiyaan dabkii ka kacay Suuqa Galmudug.

Qaar kamid ah Ganacsatada Suuqa oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dabka uu baabi’iyay inta badan Suuqa Galmudug, isla markaana Dabaka uu geystay khasaaro hantiyadeed oo badan.

Lama soo werin khasaaro nafeed oo ka dhashay dabkii kacay, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in markii horey dabkaas uu ka bilowday dukaan yar oo ku yaalla Suuqa oo markii dambe sababay inuu Dabka kusii faafo goobo hor leh.

- Advertisement -

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shalay soo saaray xeer looga hortegayo Dabka xiliyada qaarkood ka kaca Magaalada Muqdisho, waxaana dhammaan Ganacsatada lagu amray inay qaatan qalabka looga hortegayo Dabka oo geysta khasaaro kala duwan..

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts