HomeWararMadaxweynaha Kenya oo mar kale Maanta kulan la yeelanaya Muuse Biixi

Madaxweynaha Kenya oo mar kale Maanta kulan la yeelanaya Muuse Biixi

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta tallaado ah mar kale Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya kulan kula qaadan doona Madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta. Kulanka oo noqon doono mid Albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo kaal duwan oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Kenya kuna saleysan […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta tallaado ah mar kale Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya kulan kula qaadan doona Madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta.

Kulanka oo noqon doono mid Albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo kaal duwan oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Kenya kuna saleysan dhinacyo kala duwan.

- Advertisement -

Sidoo kale kulanka dhexmaraya Muuse Biixi iyo Uhuru Kenyatta ayaa waxaa Somaliland ay ku sheegtay in lagu dhameeystirayo qodobo dhowr ah oo  shalay labada Madaxweyne ka wada hadleen, iyadoona la filayo inay heshiis gaaraan.

“Labada Madaxweyne waxay kaga wada hadleen kulankooda qodobo dhowr ah oo u badan danaha Kenya iyo Somaliland sidii loo xoojin lahaa” ayaa lagu yiri Qoraal shalay  kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Kulanka labaad ee dhexmaraya Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay xalay xiriirka si rasmi ah ugu jartay dowladda Kenya.

- Advertisement -

Kenya ayaa lagu eedeeyay inay muddooyinkii ugu dambeeyay fara-gelin siyaasadeed ku heysay Arrimaha siyaasadda dalka iyo Madaxbanaanida Soomaaliya, taasina ay keentay inay Go’aan qaadato dowladda oo xiriirka loogu jaray dowladdaas.

Dowladda Soomaliya ayaa habeen horey Dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Urur Goboleedka IGAD, iyadoona Dacwadaasna shir deg deg laga yeelanayo, kaasi oo 20-ka bishaan December ka dhici doona dalka Jabuuti.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories