HomeWararSoomaaliya iyo Masar oo wada-hadal ka yeeshay xiriirka labada Dal

Soomaaliya iyo Masar oo wada-hadal ka yeeshay xiriirka labada Dal

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji ayaa xafiiskiisa Wasaaradda ku qaabilay Wafdi ka socda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ee uu hoggaaminayay Danjire Shariif Ciise, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda u qaabilsan Arrimaha Afrika. Intii lagu guda-jiray kulanka ayaa waxaa loogaga wadahadlay xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga u dhexeeya labada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji ayaa xafiiskiisa Wasaaradda ku qaabilay Wafdi ka socda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ee uu hoggaaminayay Danjire Shariif Ciise, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda u qaabilsan Arrimaha Afrika.

Intii lagu guda-jiray kulanka ayaa waxaa loogaga wadahadlay xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa dhinac waliba.

- Advertisement -

Sidoo kale kulan u dhexeeyay Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo wafdiga ka socday Masar ayaa falanqeeyay xaaladaha guud ee gobolka iyo dunida inteeda kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maalintii Axadda aheyd waxaa uu qaabilay Wafdiga Masar ee ka qeybgalayay Madasha wax wadaagga Soomaaliya (Somalia Partnership Forum) ee lagu marti-qaado qaar ka mid ah Beesha Caalamka.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa kala hadlay Danjire Shariif Ciise, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar u qaabilsan Arrimaha Afrika xoojinta xiriirka iyo weyneynta danaha si loo gaaro iskaashi sal ballaaran oo ku sal go’an nacfi is-dhaafsi iyo guul wadaagid.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts