HomeWararLaamaha amniga oo gacanta ku dhigay in saakay Dil geystay

Laamaha amniga oo gacanta ku dhigay in saakay Dil geystay

Date:

Related stories

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Nin ku hubeysnaa Qori Ak-47 ayaa waaberigii hore ee saakay qof ku shacab ah ku dilay deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno. Qofka la dilay ayaa ahaa Nin kamid ah dadka deegaanka Godinlabe, waxaana rasaas dhowr ah lagu dhuftay xili uu fadhiyay goob maqaaxi ah […]

- Advertisement -

Nin ku hubeysnaa Qori Ak-47 ayaa waaberigii hore ee saakay qof ku shacab ah ku dilay deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Qofka la dilay ayaa ahaa Nin kamid ah dadka deegaanka Godinlabe, waxaana rasaas dhowr ah lagu dhuftay xili uu fadhiyay goob maqaaxi ah oo uu lahaa, isagoo markii dambena u geeriyooday rasaasta.

- Advertisement -

Ninkii hubeysnaa ee ka dambeeyay falkaas ayaa isku dayay inuu si  dhaqsi ah goobta uga baxsado falka  kadib, hayeeshee Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Galmudug oo ku sugnaa deegaanka ayaa gacanta ku dhigay Ninkaas.

Meydka qofkii la dilay ayaa waxaa la sheegay in loo qaaday dhinaca deegaanka mareergur ee Gobolka Galgaduud, isla markaana waxaa la sheegay in dilkaas uu ahaa mid la xiriiray aano qabiil.

Deegaano ka tirsan dowla Goboleedka Galmudug ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayay dagaal beeleedyo iyo dilal la xiriiray aano qabiil, waxaan Galmudug ay sheegtay inay wado dadaalo looga hortegayo arrimahaas ku soo noq-noqday.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories