HomeWararMD Farmaajo oo Baaq u diray Jubbaland iyo Puntland, xili uu jiro...

MD Farmaajo oo Baaq u diray Jubbaland iyo Puntland, xili uu jiro Khilaaf

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay dadaalka ballaaran ee ay gelisay arrimaha doorashada iyo fulinta doorkii Dowladda Federaalka Soomaaliya kaga aaddanaa heshiiskii ay gaareen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka kaasi oo ay si wadajir ah u ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed 26-kii […]

- Advertisement -

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay dadaalka ballaaran ee ay gelisay arrimaha doorashada iyo fulinta doorkii Dowladda Federaalka Soomaaliya kaga aaddanaa heshiiskii ay gaareen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka kaasi oo ay si wadajir ah u ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed 26-kii Sibteembar, 2020.

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay qabashada doorasho hufan oo ku salaysan habraacyadii lagu heshiiyay isaga oo u mahadceliyay Dowlad Goboleedyada fuliyay qaybtii kaga aaddanayd heshiiska doorashada, iyaga oo soo dhammaystiray xubnihii ay ku lahaayeen guddiyada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee hirgelinta doorashooyinka.

- Advertisement -

“Waxa naga go’an in si buuxda loo fuliyo heshiiskii doorashada iyada oo laga fogaanayo dib-u-dhac ku yimaadda xilliga doorashada. Sidaas darteed, waxa aan Dowlad Goboleedyada aan weli soo dhammaystirin xubnaha ay ku leeyihiin guddiyada hirgelinta doorashooyinka ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan sidii looga dhabayn lahaa qodobbadii iyo hab-raacyadii lagu heshiiyay, aniga oo rajaynaya inay sida ugu dakhsaha badan u soo magacaabi doonaan qaybta ku hartay.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku dhiirrigeliyay inay sii laba-jibaarto dadaalka ay ugu jirto sidii dalka loogu diyaarin lahaa jawi doorasho oo xasilloon.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa weli soo gudbin xubnaha ku metelaya Guddiyada Doorashooyinka Qaranka, waxaana Madaxweynaha Jubbaland uu si cad u sheegay in deegaanada maamulkiisa aysan ka dhici doonin Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka ilaa iyo inta laga saarayo Gobolka Gedo, Ciidankii ay geeysay DFS.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories