HomeWararGuddiga ka hortagga Burcad badeedda ee xeebaha Somalia oo la kala dirayo...

Guddiga ka hortagga Burcad badeedda ee xeebaha Somalia oo la kala dirayo + sababta

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay doonayso in xiligaan meesha laga saaro Guddiga xiriirka ka hortagga Burcad badeedda xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo in muddo ah ka shaqeynayay ka hortagga Burcad badeedda. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Baalle ayaa sheegay in saddexdii sanno ee lasoo dhaafay aysan jirin Arrimo waaweyn oo ka dhacay […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay doonayso in xiligaan meesha laga saaro Guddiga xiriirka ka hortagga Burcad badeedda xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo in muddo ah ka shaqeynayay ka hortagga Burcad badeedda.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Baalle ayaa sheegay in saddexdii sanno ee lasoo dhaafay aysan jirin Arrimo waaweyn oo ka dhacay xeebaha dalka  oo ay sameeyeen Burcad badeedda, isla markaana xitaas sanadkii ugu dambeeyay uusan jirin isku day ay bucadda sameeysay.

- Advertisement -

Safiir Abuukar Baalle oo la hadlay BBC-da ayaa u sheegay in muhiim ay tahay in xiligaan la kala diro Guddiga xiriirka ka hortagga Burcad badeedda, ayna Golaha Ammaanka QM ka Codsadeen in la kala diro Guddigaas, sidoo kalena ay xooga saari doonaan meelo kale.

Sidoo kale Safiirka ayaa tilmaamay in dowladda ay xooga saari doonto sidii looga hortegi lahaa Maraakiibta sida sharci darrada uga kalluumeysata xeebaha Soomaaliya, joojinta waxyaabaha wasaqda ah ee lagu daadiyo xeebaha dalka iyo dembiyada ka dhaca.

Isaga oo sii hadlaayay Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayuu sheegay in dhaqaalo badan uu ku baxay muddadii uu shaqeynayay Guddiga ka hortagga Burcad badeedda xeebaha, lacagtaas oo lagu qabtay arrimo kala duwan.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Safiir Abuukar Baalle ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay ku filan tahay dembiyada ka dhaca xeebaha dalka, wuxuuna Beesha Caalamka ugu baaqay in dowladda kala shaqeeyaan sidii loo saameyn lahaa Ciidanka Qaranka ee  ilaaliya xeebaha dalka Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories