HomeWararCC Shakuur oo ka hadlay xaaladda Baladweyne eed Culusna u jeediyay MD...

CC Shakuur oo ka hadlay xaaladda Baladweyne eed Culusna u jeediyay MD farmaajo

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/Shakuur Warsame  ayaa ka hadlay Xiisadda siyaasadeed eek a taagan Gobolka Hiiraan, waxaana uu eed kulul u jeediyay Dowladda Soomaaliya, isagoo si gaar ah ugu eedeyay Madaxweyne farmaajo in uu Bulshada Hir-shabeelle iska horkeenay. Waxaa uu intaa ku daray in Hoggaanka dawlada Federaalka uu fidno ka dhex abuurtay dadkii is ogolaa […]

- Advertisement -

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/Shakuur Warsame  ayaa ka hadlay Xiisadda siyaasadeed eek a taagan Gobolka Hiiraan, waxaana uu eed kulul u jeediyay Dowladda Soomaaliya, isagoo si gaar ah ugu eedeyay Madaxweyne farmaajo in uu Bulshada Hir-shabeelle iska horkeenay.

Waxaa uu intaa ku daray in Hoggaanka dawlada Federaalka uu fidno ka dhex abuurtay dadkii is ogolaa ee wada noolaa ee maamullada jubbaland iyo Hir-Shabeelle.

- Advertisement -

Qoraal uu soo saaray CC Shakuur ayuu baaq ugu diray bulshada Gobolka Hiiraan, waxaana uu sheegay in lagama maamr maan ay tahay in la wada hadlo oo danaha Bulshada Hir-Shabeelle laga shaqeeyo.

Hoos ka aqriso Qoraal CC Shakuur

Waxaan horay ugu baaqnay in dib u heshiisiin laga hormariyo doorashooyinka Hir-Shabeelle, laakiin hoggaanka Dowladda Federaalka dhagaha ayuu taladaas ka fureystay. Kacdoonka shacabka ee Hiiraan ka taagan waa natiijadii ka dhalatay dib u heshiisiintii la iska indhatiray. Waxey kaloo tusaale horu dhac ah u tahay mugdiga kusoo wajahan dalkeenna. Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa maamulka, siyaasiyiinta iyo waxgararka Hir-Shabeelle in aan dhamaanteen si masuuliyad leh isaga xil saarno xal u helidda mushkiladda Gobolka Hiiraan ka taagan, lagana fogaado ficil kasta oo dabka bansiin ku shubaya.

- Advertisement -

Hoggaanka dawlada Federaalka wuxuu fidno ka dhex abuurtay dadkii is ogolaa ee wada noolaa ee maamullada jubbaland iyo Hir-Shabeelle, dalka intiisa kalana doorasho boob ah ayey doonayaan in ay ka sameyaan.

Shacabka Soomaaliyeed waa in uu meel uga soo wada jeestaa sidii looga hortegi lahaa fidnada maamulka muddada yar u hartay ee Madaxweyne Farmaajo.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories