HomeWararXeer Ilaalinta Puntland oo amar Culus dul dhigtay Xildhibaanno Xasaanaddii laga qaaday

Xeer Ilaalinta Puntland oo amar Culus dul dhigtay Xildhibaanno Xasaanaddii laga qaaday

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Warar soo baxaya ayaa ku warramaya in  Xeer Ilaalinta Puntland ay amartay in aysan Puntland ka bixi karin  Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Puntland oo Saaka laga xayuubiyay Xasaanaddii. Warar ku waxaa ay intaas ku darayaan in la doonayo in xubnaha xasaanadda laga qaaday la xiro, iyadoo guud ahaanba laga joojinayo xoriyadda. Xeer Ilaalinta Puntland ayaa […]

- Advertisement -

Warar soo baxaya ayaa ku warramaya in  Xeer Ilaalinta Puntland ay amartay in aysan Puntland ka bixi karin  Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Puntland oo Saaka laga xayuubiyay Xasaanaddii.

Warar ku waxaa ay intaas ku darayaan in la doonayo in xubnaha xasaanadda laga qaaday la xiro, iyadoo guud ahaanba laga joojinayo xoriyadda.

- Advertisement -

Xeer Ilaalinta Puntland ayaa codsatay in Xubnahaas si gaar ah loola socdo,  amartay in aysan Puntland ka bixi karin xildhibaandaasi, laamaha amniga laga codsatay in ay dhaqdhaqaaqa Mudanayaasha la xakameeyo, sida ay sheegayaan warar hoose oo aan ka helayno Puntland.

8 mudane oo mucaaridsanaa Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jabriil, ayaa Xasaanadda laga xayuubiyay, waxaana la sheegay in 35 mudane ayaa gacanta u taagtay, taasi oo ka dhigan in ay Xaasanaddii Xildhibaanimo waayeen Mudanayaasha Xilka laga qaaday.

Xildhibaannada xilka laga qaaday ayaa kala ah:

- Advertisement -

1.Xildhinaan Cabdijamal Cismaan

2.Xildhibaan Cabdiqani surato

3.Xildhibaan Muuse Jajabsay

4.Xildhibaan Baduugaaye

5.Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre

6.Xildhibaan Saleeban Faarax.

7.Xildhibaan Cabdiraxman Dhoore

8.Xildhibaan Maxamud Axmed Caali.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories