HomeWararMadaxweyne ku-xigeenka Puntland War kasoo saaray Xildhibaano Xasaanadii laga qaaday

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland War kasoo saaray Xildhibaano Xasaanadii laga qaaday

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si kulul uga hadlay Mooshin iyo faragalin uu sheegay in lagu hayo xildhibaanada Maamulkaasi Puntland. Madaxweyne ku Xigeenka ayaa eed kulul u jeediyay Siciid Cabdulaahi Deni Madaxweynaha Maamulkaasi Puntland, isagoo ku eedeyay in uu faragalin iyo iska horkeen ku hayo Xildhibaanada. Qoraal uu soo saaray […]

- Advertisement -

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si kulul uga hadlay Mooshin iyo faragalin uu sheegay in lagu hayo xildhibaanada Maamulkaasi Puntland.

Madaxweyne ku Xigeenka ayaa eed kulul u jeediyay Siciid Cabdulaahi Deni Madaxweynaha Maamulkaasi Puntland, isagoo ku eedeyay in uu faragalin iyo iska horkeen ku hayo Xildhibaanada.

- Advertisement -

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in golihii sharci dajinta oo la rabay inay isla xisaabtan iyo xeerar soo dajiyaan oo ay badbaadiyaan maatada iyo shacabka duruufta la daala dhacaya ee reer Puntland, waxaana intaas uu ku daray inay  foodo ka bilaabatay gudaha Baarlamaanka,  oo ay noqotay guri uu qof leeyahay, waxaana uu intaas ku daray Madaxweyne ku xigeenku in aysan ahayn  wax la qaadan karo in xildhibaanadiina la iska eryo.

Hoos ka Aqriso Qoraalka uu Soo saaray Karaasha

Wax loo dulqaadan karo maaha lagamana aamusi karo in sharciga iyo dastuurka Puntland lagu tunto oo wixii la rabo laga samaysto.

- Advertisement -

Iyadoo sicir bararka ka jira dhamaan deegaanada Puntland uu gaadhay heerkii ugu sareeyey oo madaxweynuhuna amar keligii ku kooban uu kuso rogay shacabka laguna mamnuucay lacagtii shillin soomaaliga in hadana golihii sharci dajinta oo la rabay inay isla xisaabtan iyo xeerar soo dajiyaan oo badbaadiyaan maatada iyo shacabka duruufta la daala dhacaya inay  foodo ka bilaabato oo noqoto guri qof leeyahay xildhibaanadiina la iska eryo wax la qaadan karo maaha.

Fadlan mudane madaxweyne ummadan waa u wada dhaaranay ee aan u adeegno sharcigana dhowr faragelinta qaawana ka jooji Baarlamaanka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories