HomeWararNin dilay Gabar uu kala dhexeeyey xiriir Jaceyl iyo Taliska Booliska oo...

Nin dilay Gabar uu kala dhexeeyey xiriir Jaceyl iyo Taliska Booliska oo ka hadlay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Gabar dhalinyaro ah oo maalmo kahor lagu dhex dilay Guri ku yaalla xaafad ka tirsan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulkaas. Afhayeenka Ciidanka Booliska G/sare Faysal Xiis Cilmi  oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Gabadha lagu dhex dilay Guri ku yaalla xaafadda […]

- Advertisement -

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Gabar dhalinyaro ah oo maalmo kahor lagu dhex dilay Guri ku yaalla xaafad ka tirsan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulkaas.

Afhayeenka Ciidanka Booliska G/sare Faysal Xiis Cilmi  oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Gabadha lagu dhex dilay Guri ku yaalla xaafadda xero Digaagta ee Hargeysa, uuna falkaas ka dambeeyay Nin lagu magacaabo Nuur Axmed Ismaaciil.

- Advertisement -

Waxa oo uu sheegay Afhayeenka in Nuur Axmed uu gabadha u dilay arrimo la xiriira Jaceyl  ama haasaawe kala dhexeeyay, kadib markii Marxuumada uu dhowr jeer wacay fariimana u diray, ayna telefoonka ka qaban weyday, kadibna uu carooday.

Intaas kadib ayuu Nuur gabadha ugu tegay Guri ay ku sugneyd, isla markaana uu Madaxda laba jeer ugu dhufatay Maqar/ Baangad uu watay, iyagoona isla goobta ku geeriyootay Gabadha oo aad u dhiig baxday.

Afhayeen Faysal Xiis Cilmi ayaa sheegay in falka kadib laamaha amniga ay sameeyeen howlgal ballaaran, isla markaana ay gacanta kusoo dhigeen Nuur Axmed Ismaaciil iyo Baangadii uu dilka ku geystay, haatana uu xiran yahay.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland ayaa waxaa uu sheegay Nuur Axmed Ismaaciil loo gudbin doono Maxkamadda, si sharciga loo marsiiyo, maadaama uu si cad u dilay Gabadha oo lagu magacaabi jiray Nateexo Ismaaciil Aadan 25 jir aheyd, isagoona qirtay inuu ka dambeeyay falkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories