HomeWararWafdigii diyaarada kula halaawday Hawada oo u ambabaxay Baladweyne  

Wafdigii diyaarada kula halaawday Hawada oo u ambabaxay Baladweyne  

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Waxaa Goordhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka ambabaxay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta diyaarad ay saarnaayeen Hawada cilad ku qabsatay. Wafdiga Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan Maxamed oo ay ka yihiin Xildhibaano, Wasiiro iyo saraakiil Ciidan ayaa wajahan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyagoona saacad ka degi doona Garoonka Ugaas […]

- Advertisement -

Waxaa Goordhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka ambabaxay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta diyaarad ay saarnaayeen Hawada cilad ku qabsatay.

Wafdiga Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan Maxamed oo ay ka yihiin Xildhibaano, Wasiiro iyo saraakiil Ciidan ayaa wajahan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyagoona saacad ka degi doona Garoonka Ugaas Khaliif.

- Advertisement -

Wafdigaan oo saakay diyaarad ka raacay Garoonka Jowhar ayaa xili ay dhawaayeen Garoonka Baladweyne waxaa diyaarada ka ciladoobay mid kamid Matooradeeda, iyagoona si  deg deg ah dib ugu soo laabtay Muqdisho oo Goordhow ay ka baxeen.

Wasiirka amniga Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo wafdiga kamid ahaa ayaa sheegay in duuliyihii diyaarada waday uu ku wargeliyay in diyaarada ay cilad qabsatay, kadiba ay dareemeen welwel badan, iyagoona si nabad ah ku yimi Muqdisho.

Ujeedka wafdiga ka socday Hirshabeelle ee Magaalada Baladweyne ayaa waxaa uu yahay sidii loo xalin lahaa tabashooyinkii ka dhashay doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar iyo dhismaha maamulka Hirshabeelle oo ay qabaan dadka degan Hiiraan.

- Advertisement -

Dhinaca kale Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa dhowr mar ka baaqda safar uu ku tegi lahaa Baladweyne oo si weyn looga soo horjeedo isaga, waxaana halkaas ku sugan Madaxweyne ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Baladweyne ka dhacayay banaanbaxyo rabashado watay oo looga soo horjeeday Hirshabeelle iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe, iyadoona xusid mudan tahay in banaanbaxayada dad loo xiray.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories