HomeWararMidowga Musharaxiinta oo War kasoo saaray Go'aankii DFS ku cerisay Safiirkii Kenya

Midowga Musharaxiinta oo War kasoo saaray Go’aankii DFS ku cerisay Safiirkii Kenya

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Midowga Musharaxiinta u taagan qabshada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Goordhow War kasoo saaray Go’aan ay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu yeertay Safiirkeedii Kenya u joogay, kuna wargelisay Safiirka Kenya inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto. War-saxaafadeed kasoo baxay Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa marka hore walaac looga muujiyay Go’aankii ay qaadatay Xukuumadda waqtiga kasii dhammanaya ee ku aadan […]

- Advertisement -

Midowga Musharaxiinta u taagan qabshada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Goordhow War kasoo saaray Go’aan ay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu yeertay Safiirkeedii Kenya u joogay, kuna wargelisay Safiirka Kenya inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

War-saxaafadeed kasoo baxay Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa marka hore walaac looga muujiyay Go’aankii ay qaadatay Xukuumadda waqtiga kasii dhammanaya ee ku aadan Arrimaha siyaasadda ee diblomaasiyada.

- Advertisement -

Golaha Musharaxiinta ayaa sheegay in Go’aankii dowladda ay u arkaan mid hoos u dhigaya xiriirka u dhexeeyo Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana Go’aankaas uu yahay loo isticmaalayo ololo Doorasho, loona xeerin danta Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga digay inuu arrimaha siyaasadda dibadda ee dalka u adeegsado olole Doorasho, naceyn iyo Cadaawadna ka dhex abuuro dalalka deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa caddeeyay inay ka welwelsan yihiin saameynta taban ee xiriir xumida labada dal ku yeelan karo Soomaalida Ganacsiga ku leh dalkaas iyo Ardayda halkaas waxbarashada u joogta.

- Advertisement -

Qoraalka kasoo baxay Musharaxiinta ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Soomaaliya dalka ka cerisay safiirkii Kenya u joogay Muqdisho, isla markaana Safiirka dowladda ee Maxamuud Axmed Nuur Tarsan lagu amray inuu dalka dib ugu soo laabto, iyadoo Kenya lagu eedeeyay faragelin ay ku heyso Arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Musharaxiinta xilka Madaxweynaha.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories