HomeWararMadaxweyne Axmed Madoobe oo weerar afka ku qaaday Guddoomiye Cumar Finish

Madaxweyne Axmed Madoobe oo weerar afka ku qaaday Guddoomiye Cumar Finish

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland  Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta Khudbad u jeediyay Ururada Bulshada rayidka ah ee Jubaland iyo hay’adaha Dowlada. Kulankan oo ahaa mid uu Madaxweynahu Bulshada iyo hay’adaha Dowlada kula wadagaayo xaalada uu dalka marayo ayaa waxaa ka qaybgalay Haween dhalinyaro culimo siyaasiyiin Aqoon yahano iyo masuuliyiin katirsan labada gole ee […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland  Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta Khudbad u jeediyay Ururada Bulshada rayidka ah ee Jubaland iyo hay’adaha Dowlada.

Kulankan oo ahaa mid uu Madaxweynahu Bulshada iyo hay’adaha Dowlada kula wadagaayo xaalada uu dalka marayo ayaa waxaa ka qaybgalay Haween dhalinyaro culimo siyaasiyiin Aqoon yahano iyo masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Jubaland iyo xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka ah.

- Advertisement -

Hay’adaha Dowlada ayuu Madaxweynahu sheegay in ay doorkooda qaatan oo wacyi galinta bulshada ay xooga saaran isagoo sheegay in qaar badan oo shacabka kamid ah lagu marin habaabinayo waxyaabo aan sal iyo raad lahayn oo qabyaaladu ay ugu weyntahay.

Arimaha Doorashooyinka ayuu sheegay in ay Jubaland ka go’an tahay sidii ay doorashooyinka ay ugu dhici lahayd qaabkii lagu heshiiyay iyadoo dalkeena ay astaan u tahay in afartii sanaba hal mar Doorashooyin la aado isagoo sheegay in ay Jubaland xaq u leedahay inay maamusho doorashooyinka ka dhacaya deegaanka.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in isku tanaasulka iyo wadar ogolka ay asal u yihiin  doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhaca si taas loo gaarana ay muhiim tahay in heshiiyadii la galay la fuliyo gaar ahaana in gudiga doorashooyinka Jubaland iyo Wasaarada Arimaha gudaha looga baahan yahay inay tagaan goobta labaad ee loo asteeyay doorashada Baarlamaanka Federaalka ah.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta hadalada xanafta leh ee ay adeegsanayaan Madaxda Dowlada kuwaas oo diinta ka saaraya dadka ka aragtida duwan sidii lagu yaqaanay figradaha xagjirka ah ee waxa loogu yeero Argagixisada wax loo dulqaadan karana aanay ahayn.

Hadalkaan ayuu Madaxweyne Axmed Madoobe ula jeedaa hadalkii kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish oo Musharaxiinta uga digay inay qalaaso sameeyan, isagoo xusay in tallaabo adeg laga qaadi doono, wuxuuna kusoo daliishahay Aayado qur’aan kusoo degay Munaafiqiinta uu Alle amray in la dilayo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories