HomeWararDad loo soo qabtay dil ka dhacay xaafad ka tirsan Baladweyne  

Dad loo soo qabtay dil ka dhacay xaafad ka tirsan Baladweyne  

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ciidamada ammaanka ee Booliska maamulka Hirshabeelle ayaa saaka howlgalo kala duwan ka sameeyay xaafaddo dhowr ah oo ka tirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaasi halkaas xalay uu ka dhacay fal dil ah. Ciidanka ayaa howlgalka intiisa badan ka sameeyay xaafadda howlgawaag ee Baladweyne, kadib markii xalay rag ku hubeysnaa Bastoolado ay ku dileen […]

- Advertisement -

Ciidamada ammaanka ee Booliska maamulka Hirshabeelle ayaa saaka howlgalo kala duwan ka sameeyay xaafaddo dhowr ah oo ka tirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaasi halkaas xalay uu ka dhacay fal dil ah.

Ciidanka ayaa howlgalka intiisa badan ka sameeyay xaafadda howlgawaag ee Baladweyne, kadib markii xalay rag ku hubeysnaa Bastoolado ay ku dileen Nabadoon Caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Xasan Ibraahim Nuur (Xasan Tiyeegoow).

- Advertisement -

Inta uu socday howlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro oo looga shakiyay inay ka dambeeyeen dilkii loo geystay Xasan Tiyeegoow, isla markaana la geeyay Saldhig Booliska, laguna wado baaritaano kala duwan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in howlalka lagu qabtay hub laga soo bixyay Guriga ku yaalla xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, kaasi oo ay la wareegeen laamaha amniga.

Sidoo kale waxaa la tilmaamay inuu dhaawac soo gaaray qof kamid ah dadkii howlgalka lagu qabtay, kadib markii uu muran la galay Ciidanka howlalka waday, iyagoona Ciidamada mararka qaarkood kor u ridayay rasaas goos goos ah oo la maqlayay.

- Advertisement -

Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheysan oo ay geysteen rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Basroolado, waxaana xusid mudan in xalay sidoo kale halkaas uu ka dhacay Banaanbax rabashado watay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories