HomeWararNinkii loo heystay weerar ka dhacay Jaamacad oo xabsi isku dhex dilay

Ninkii loo heystay weerar ka dhacay Jaamacad oo xabsi isku dhex dilay

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Nin u dhashay dalka Tanzania oo loo heystay inuu ku lug lahaa weerarkii sanadkii 2015 lagu qaaday jaamacad ku taalla magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayna ku dhinteen 148 qof ayaa isku dilay gudaha xabsiga, sida laga soo xigtay booliiska iyo maamulka xabsiga. Afarta qof ee lagu eedeeyay weerarka waxaa gudaha jaamacadda ku toogtay […]

- Advertisement -

Nin u dhashay dalka Tanzania oo loo heystay inuu ku lug lahaa weerarkii sanadkii 2015 lagu qaaday jaamacad ku taalla magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayna ku dhinteen 148 qof ayaa isku dilay gudaha xabsiga, sida laga soo xigtay booliiska iyo maamulka xabsiga.

Afarta qof ee lagu eedeeyay weerarka waxaa gudaha jaamacadda ku toogtay ciidamada ammaanka, balse Rashid Charles Mberesero, iyo labo kale ayaa sanadkii hore lagu xukumay inay qorsheynayeen weerar argagixiso iyo inay ka tirsan tihiin kooxda al-Shabab. Mberesero ayaa lagu xukumay xabsi daa`in.

- Advertisement -

Wargeyska Kenya ka soo baxa ee Standard ayaa shaaciyay in ninkani uu maskaxda ka xanuunsanaa intii uu xabsiga ku jirayna uu la kulmi jiray dhaqtar cilmu-nafsiga ah.

Wargeyska kale ee The Daily Nation ee Kenya ka soo baxa ayaa isagana sheegay in Mberesero uu isku daldalay gudaha xabsiga isaga oo adeegsanaya bustihiisa.

Al-Shabab ayaa sheegta inay dagaal kula jiraan Kenya tan iyo markii ay ciidamadeeda galeen Soomaaliya bishii October 2011, si ay meesha uga saaraan kooxda oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ee ay Qaramada Midoobay taageerto.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories