HomeWararCiyaaryahan ku dhaawacmay tartankii Gobolada Somaliland oo geeriyooday

Ciyaaryahan ku dhaawacmay tartankii Gobolada Somaliland oo geeriyooday

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Waxaa saakay Isbitaal ku yaalla Magaalada Haegeysa ee Caasimadda Somaliland ku geeriyooday Wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa Ciyaaryahanadii u ciyaarayay Xulka Gobolka Saaxil ee Somaliland tartankii kubadda Cagta ee Gobolada maamulkaas. Wariyeyaal ku sugan Hargeysa ayaa xaqiijiyay geerida Mukhtaar Yaxye Mutto oo maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay Isbitaalka, kadib markii uu dhaawac Culus kasoo […]

- Advertisement -

Waxaa saakay Isbitaal ku yaalla Magaalada Haegeysa ee Caasimadda Somaliland ku geeriyooday Wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa Ciyaaryahanadii u ciyaarayay Xulka Gobolka Saaxil ee Somaliland tartankii kubadda Cagta ee Gobolada maamulkaas.

Wariyeyaal ku sugan Hargeysa ayaa xaqiijiyay geerida Mukhtaar Yaxye Mutto oo maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay Isbitaalka, kadib markii uu dhaawac Culus kasoo gaaray Ciyaar kamid aheyd tartankii Gobolada Somaliland ee dhammaaday.

- Advertisement -

Marxuum Mukhtaar Yaxye ayaa xulka Goboka Saaxil uga ciyaarayay dhinaca difaacada, waxaana uu ku dhaawacmay kubad uga dhacday qeybaha sare ee jirka, isagoona xaaladiisa Caafimaad aad looga diirinayay maalmihii dambe.

Geerida Mukhtaar Yaxye Mutto ayaa waxaa ka tacsiyeeyay dhammaan maamulka Gobolka Saaxil ee Somaliland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, in kastoo aan weli wax war ah ah kasoo bixin Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaradaha ee Somaliland.

Si kastaba tartankii kubadda Cagta ee Gobolada Somaliland ayaa ahaa mid xamaasad leh, waxaana ka qeyb galay ciyaaryahano u dheelayay Gobolada maamulkaas, waxaana xusid mudan in dhaawac Culus oo Madaxa ah uu soo gaaray Goolhayihii Xulka Gobolka Sool, kaasi oo xaalad Caafimaad loogu qaaday dalka Itoobiya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories