HomeWararMuwaadiniin Soomaaliyeed oo xalay Dil iyo dhaawac loo geystay

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo xalay Dil iyo dhaawac loo geystay

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa habeenimadii xalay aheyd weerar ku qaaday Muwaadiniin Soomaali ah oo ku sugnaa gudaha Koonfur Afrika, iyagoona u geystay fal isugu jiray dhimasho iyo dhaawac. Burcada ayaa weerarkaas ku qaaday dukaanka ganacsatadan Soomaaliyeed ay ku laheyd deegaan hoostega Magaalada Port Elizabeth ee Koonfur Afrika, sida ay sheegayaan wararka […]

- Advertisement -

Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa habeenimadii xalay aheyd weerar ku qaaday Muwaadiniin Soomaali ah oo ku sugnaa gudaha Koonfur Afrika, iyagoona u geystay fal isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Burcada ayaa weerarkaas ku qaaday dukaanka ganacsatadan Soomaaliyeed ay ku laheyd deegaan hoostega Magaalada Port Elizabeth ee Koonfur Afrika, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno, waxaana halkaas lagu dilay Muwaadin Soomaali ah.

- Advertisement -

Sidoo  kale Raggii hubeysnaa ayaa horey dhaawac Culus ugu geystya meel ku dhow Port Elizabeth Muwaadin kale oo Soomaaliyeed, isla markaana halkaas ku lahaa goob Ganacsi, kaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad.

Wararka ayaa intaas waxaa ay ku sii darayaan in ragga burcada ee hubeysnaa ee dhac baahsan u geysteen 4 dukaan oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed, kuwaasi oo markii dambe goobta isaga tegay.

Dalka Koonfur Afrika ayaa si joogto ah loogu dilaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi u raadsaday Ganacsi, waxaana dalkaasi lagu dilay boqolaal qof, iyadoona aysan jirin cid weli iska xil saartay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka Soomaalida loo geysanayo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories