HomeWararJames Swan oo fariin u diray Madaxda Dowladda Somalia iyo M/Goboleedyada

James Swan oo fariin u diray Madaxda Dowladda Somalia iyo M/Goboleedyada

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la fuliyo heshiiskii kal horey ay Doorashada 2020/2021 ka gaareen Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada. James Swan oo la hadlay Telefashinka Al-Jazeera ayaa sheegay in doorashada dalka ay ku dhaco waqtigii loogu tala-galay, […]

- Advertisement -

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la fuliyo heshiiskii kal horey ay Doorashada 2020/2021 ka gaareen Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada.

James Swan oo la hadlay Telefashinka Al-Jazeera ayaa sheegay in doorashada dalka ay ku dhaco waqtigii loogu tala-galay, isla markaana Madaxda ilaaliyaan heshiiskii la gaaray, si aysan dhib u dhac ugu imaan Doorashada oo Jadwalkii lasoo saaray uu fashilmay.

- Advertisement -

Sidoo kale Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa xusay in muhiim ay tahay in si wadajir ah loo ilaaliyo ammaanka dalka Soomaaliya, maadaama la guda galayo doorashooyinka dalka, wuxuuna ku baaqay mar kale in la fuliyo heshiiskii la gaaray.

Dhinaca kale James Swan ayaa difaacay shaqada Xafiiska Qaramada Midoobay ka wado gudaha Soomaaliya, xili uu sheegay inay jiraan eedeymo kala duwan oo loo jeediyay, wuxuuna Carabka ku dhuftay in 30-kii sanno ee lasoo dhaafay ka shaqeynayeen sidii dalka Soomaaliya uu gaari lahaa horumar waxtar leh.

Wuxuu tilmaamay Wakiilka inay sigaar ah ugu shaqeeyeen arrimaha amniga dalka, hay’addaha dowliga, Arrimaha la xiriira bani’aadannimada iyo Arrimo kale oo muhiim u ah dalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Si kastaba dalka Soomaaliya ayaa xiligaan ku jira marxalad kala guur ah, iyadoo la filayo in dalka ay dhacaan dhammaadka sanadkaan 2020/2021 Doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo mid Madaxtinimada dalka oo ay u taagan yihiin Musharaxiin dhowr ah oo ay ku jiraan Madaxweyneyaashii hore ee dalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories