HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay Macalin Ilkacase

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay Macalin Ilkacase

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay rag ka tirsan dagaalamayaasah Al-shabaab oo horey Maxkamadda xukun dil ugu riday. Saddex ruux oo uu ku jiray Maxamed Xaaji Axmed Ilkacase oo ahaa Caan ku ahaa dilal ka dhacay Muqdisho ayaa saakay Maxkamadda Ciidamada xukun dil toogasho ah ku […]

- Advertisement -

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay rag ka tirsan dagaalamayaasah Al-shabaab oo horey Maxkamadda xukun dil ugu riday.

Saddex ruux oo uu ku jiray Maxamed Xaaji Axmed Ilkacase oo ahaa Caan ku ahaa dilal ka dhacay Muqdisho ayaa saakay Maxkamadda Ciidamada xukun dil toogasho ah ku fulisay, kaasi oo ka dhacay fagaaraha dugsiga Booliska ee Generaal Kaahiye.

- Advertisement -

Xubnaha la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Xaaji Axmed Ilkacase, Saalim Saciid Maxamed oo loo yaqaanay Salmaan iyo Axmed Maxamed Haashim oo loo yaqaanay Carab, kuwaasi oo horey Maxkamadda xukun ugu riday.

Dhammaan raggaas ayaa Magaalada Muqdisho ka geystay dilal qorsheysan iyo weeraro, iyagoona wareysiyo kala duwan oo laga qaaday ay ku qirteen inay ka dambeeyeen dilal iyo weeraro ka dhacay Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 31-kii Bishii December ee sanadkii 2019 waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Macalin Ilkacase iyo xubno kale, kuwaas oo maxkamadu sheegtay inay dilal qorsheysan iyo weerar kal geysteen Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Maxamed Xaaji Axmed oo loo yaqaanay Macalin Ilkacase ayaa ahaa macalin Jaamacadeed iyo Iskuul, isagoona in muddo ah la shaqeyn jiray dagaalamayaasha Al-shabaab uuna fuliyay dilal badan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories