HomeWararRuux weerar ka geystay Caawa Magaalada Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Ruux weerar ka geystay Caawa Magaalada Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Weerar loo adeegsaday Bam nooca gacanta laga tuuro ah ayaa fiidnimadii Caawa lagu weerar Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne ee Gobolkaan Baaandir, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. Nin hubeysan ayaa Bam gacmeedka ku tuuray Saldhiga Booliska degmada, isla markaana jugta Bamka ayaa waxaa laga maqlay xaafaddo dhow Saldhiga Booliska Xamarweyne, waxaana Ninka falkaas  geystay uu […]

- Advertisement -

Weerar loo adeegsaday Bam nooca gacanta laga tuuro ah ayaa fiidnimadii Caawa lagu weerar Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne ee Gobolkaan Baaandir, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Nin hubeysan ayaa Bam gacmeedka ku tuuray Saldhiga Booliska degmada, isla markaana jugta Bamka ayaa waxaa laga maqlay xaafaddo dhow Saldhiga Booliska Xamarweyne, waxaana Ninka falkaas  geystay uu isku dayay inuu si deg deg ah goobta uga baxsado.

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya oo xiligaas ku sugnaa mee ku dhow Saldhiga ayaa gacanta ku dhigay Ninkii Bamka tuuray oo marka hore  isku dayay inuu si dhaqsi ah ku cararo.

Ninka ayaa waxaa durbo lagu xiray mid kamid Saldhigyada ay leeyihiin Ciidanka Booliska dowladda Federaalka, isla markaana halkaas lagu weydiinayo su’aalo kala duwan.

Laamaha amniga dowladda gaar ahaan kuwa degmada Xamarweyne oo la hadlay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa u sheegay in weerarkii Bam gacmeedka ahaa uusan geystan wax khasaaro ah.

- Advertisement -

Ciidanka dowladda Federaalka ayaa horey gacanta sidaan oo kale ugu dhigay rag hubeysan oo weerar ka geystay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, kuwaasi oo qaarkood isku dayay inay baxsadaan wallow markii dambe la qabtay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories