HomeWararRa'iisul Wasaare Abiy Axmed oo War kasoo saaray la wareegida Magaalada Mekelle

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo War kasoo saaray la wareegida Magaalada Mekelle

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Jeneraal Berhanu Jula, ayaa sheegay in ciidamadiisu si buuxda gacanta ugu dhigeen Caasimadda Gobolka Tigree-ga ee Mekelle. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed  ayaa lagu sheegay in Magaalada Mekelle ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidanka Federaalku, taas oo calaamad u ah soo […]

- Advertisement -

Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Jeneraal Berhanu Jula, ayaa sheegay in ciidamadiisu si buuxda gacanta ugu dhigeen Caasimadda Gobolka Tigree-ga ee Mekelle.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed  ayaa lagu sheegay in Magaalada Mekelle ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidanka Federaalku, taas oo calaamad u ah soo afjaridda wajigii ugu danbeeyay howlgalka sharci soo celinta sida lagu sheegay qoraalka.

- Advertisement -

Ciidanka ayaa la wareegay goobaha mihiimka ah danta guud sida garoonka diyaaradaha iyo xafiisyada heyadaha dowladda.

Sheegashadiisan dowladda Federaalka Itoobiya ayaan ilaa haatan cid madax bannaan oo xaqiijinaysaa jirin.

Dhanka kale, xoogagga Tigree-ga ayaan iyaguna ilaa haatan dhinacooda fal celinin hadalkaa uu shaaciyey Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

- Advertisement -

Mar sii horaysay ayaa hogaamiyaha xoogagga fallaagada ah ee gobolka Tigree-ga  ayaa sheegay in ciidamada dawladda Itoobiya bilaabeen guluf ay doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada Mekelle ee caasimadda gobolkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories