HomeWararTaliska Ciidanka Xoogga oo ka hadlay dagaal Culus oo ay la galeen...

Taliska Ciidanka Xoogga oo ka hadlay dagaal Culus oo ay la galeen Al-shabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa uu ka dhacay deegaan hoostega degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Dagaalkaas ayaa bilowday, kadib markii Al-shabaab ay weerar xoogan kusoo qaadeen Saldhig Ciidanka qeybta 27-aad ay ku leeyihiin deegaanka lagu magacaabo geel-gub oo hoostega Cadale, waxaana halkaas ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa uu ka dhacay deegaan hoostega degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkaas ayaa bilowday, kadib markii Al-shabaab ay weerar xoogan kusoo qaadeen Saldhig Ciidanka qeybta 27-aad ay ku leeyihiin deegaanka lagu magacaabo geel-gub oo hoostega Cadale, waxaana halkaas ka dhacay dagaal saacado socday.

- Advertisement -

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo dhinacyada isdhaafsanayeen, isla markaana uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu sheegay inay iska difaaceen weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab, ayna gaarsiiyeen khasaaro kala duwan, waa sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay Taliyaha in dagaalka lagu dilay 8 dagaalame oo ka tirsanaa Shabaab, halka kuwo kalena la qabtay, wuxuuna intaas ku daray hadalkiisa inay ka war heleen weerarkaas lagu soo qaaday.

- Advertisement -

Sidoo kale dagaalka ayaa la sheegay in Ciidanka dowladda looga dilay Askar, isla markaana uu ku jiray  Taliye lagu magacaabi jiray Salaad Cali Dabley oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka qeybta 27-aad.

Ciidanka dowladda Federaalka ayaa horey howlgalo ka dhan ah Al-shabaab uga fuliyay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood saraakiisha dowladda ay sheegeen inay lagu dilay Saraakiil iyo xubno Al-shabaab ahaa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts