HomeWararWeerar xoogan oo lagu qaaday Ciidanka hubeysan ee Jeneraal Xuud

Weerar xoogan oo lagu qaaday Ciidanka hubeysan ee Jeneraal Xuud

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in waaberigii hore ee saakay halkaas uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Maleeshiyaad ee uu wato Saraalka lagu magacaabo Abuukar Xaaji Warsame oo loo yaqaano Xuud. Dagaalkaas ayaa sigaar ah uga dhacay deegaanka Ceel-gaal ee duleedka Baladweyne, waxaana sida la […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in waaberigii hore ee saakay halkaas uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Maleeshiyaad ee uu wato Saraalka lagu magacaabo Abuukar Xaaji Warsame oo loo yaqaano Xuud.

Dagaalkaas ayaa sigaar ah uga dhacay deegaanka Ceel-gaal ee duleedka Baladweyne, waxaana sida la sheegay dagaalkaas uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka dowladda Federaalka ay weerar ku qaadeen Sarkaal Xuud iyo Maleeshiyaad hubeysan uu watay.

- Advertisement -

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii saaka dhacay, waxaana adegan xaaladda deegaanka Ceel-gaal, iyadoona Ciidanka dowladda iyo Maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame ay weli halkaas isku hor-fadhiyaan.

Jeneral Abuukar Warsame oo ka tirsanaa Musharaxiintii xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa diidan doorashadii dhacday Magaalada Jowhar oo ay kusoo baxeen Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.

Maalmihii lasoo dhaafay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa waday dadaalo lagu doonayo in lagu soo afjaro Cabashooyinkii ka dhacay doorashadii ka dhacday Jowhar, hayeeshee waa ay guud-dareysteen, sida aan wararka ku helnay.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas kusii daraya in khamiistii lasoo dhaafay Maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame ee Xuud ay la wareegeen Bar koontarool oo ku dhow Garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne ee Ugaas Khaliif.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka qeybta 27-aad iyo maamulka Gobolka hiiraan oo ay uga hadlayaan dagaalkii saakay ka dhacay duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolkaas.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories