HomeWararKhasaaro ka dhashay Shil ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida

Khasaaro ka dhashay Shil ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ugu yaraan 4 ruux oo shacab ah ayaa geeriyooday, halka saddex kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kadib markii xalay uu shil gaari uu ka dhacay deegaan ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Shilkaas ayaa sigaar ah uga dhacay inta u dhexeeysa tuulooyinka Labicalaan iyo Geedi ee degmada Dhagaxbuur ee dowlad deegaanka, waxaana uu […]

- Advertisement -

Ugu yaraan 4 ruux oo shacab ah ayaa geeriyooday, halka saddex kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kadib markii xalay uu shil gaari uu ka dhacay deegaan ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Shilkaas ayaa sigaar ah uga dhacay inta u dhexeeysa tuulooyinka Labicalaan iyo Geedi ee degmada Dhagaxbuur ee dowlad deegaanka, waxaana uu yimid Shilkaas, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid uu ahaa nooca xamuulka qaado ah.

- Advertisement -

Madaxda shilalka ee Gobolka Jarar ee dowlad deegaanka Qoordheere Axmed Xasan oo warbaahinta ka howlgasha halkaas la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Meydadka iyo dhaawacyada la geeyay Xarumo Caafimaad.

Qoordheere Axmed Xasan ayaa Darawalada gaadiidleyda ah ee ka howlgala Ismaamulka ugu baaqay inay si taxdar leh u wadaan gaadiidka, xiliyada ay isticmaalayan waddooyinka buuleyda ah, si aysan u dhici shilal geysta khasaaro kala duwan.

Dhowr mar ayuu sidaan oo kale shilal kala duwan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uga dhaceen deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida, waxaana goobtii xalay uu shilka ka dhacay Sawirro laga qaaday ay muujinayeen in gaadiidka xamuulka ahaa uu sidarran u burburay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories