HomeWararBanaanbax rabshado wata oo ka socda Baladweyne iyo xaalada oo kacsan

Banaanbax rabshado wata oo ka socda Baladweyne iyo xaalada oo kacsan

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socdka Banaanbax xoogan oo ay dhigayaan inta badan dadka deegaanka Magaaladaas, sida aan wararka ku heleyno. Boqolaal qof oo isugu jira dhalinyaro, Caruur, Haween iyo Odayaal ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee Baladweyne, iyagoo ah kuwo aad uga soo horjeeda dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Banaanbaxayaasha […]

- Advertisement -

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socdka Banaanbax xoogan oo ay dhigayaan inta badan dadka deegaanka Magaaladaas, sida aan wararka ku heleyno.

Boqolaal qof oo isugu jira dhalinyaro, Caruur, Haween iyo Odayaal ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee Baladweyne, iyagoo ah kuwo aad uga soo horjeeda dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

- Advertisement -

Banaanbaxayaasha  ayaa sita boorar ay ku qoran yihiin erayo ay uga soo horjeedan Maamulka Hirshabeelle, sidoo kalena sheegay inay siweyn uga horjeedan Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Doorashii ka dhacday Jowhar.

Sidoo kale qaar kamid ah banaanbaxayaasha ayaa xirtay waddooyin waaweyn oo ku dhex yaalla Magaalada Baladweyne, iyagoona ku jaray dhagxaan iyo birro, isla markaana mararka qaarkood gubaya taayaro waaweyn oo uuro madow cirka isku shareertay.

Qaar kamid ah dadka dhigaaya banaanbaxa rabshadaha wata ee socda oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay inay taageero weyn u hataan Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame oo Maleeshiyaad hubeysan ku heysta duleedka Baladweyne, kaasi oo kasoo horjeeda Cali Guudlaawe iyo maamulkiisa.

- Advertisement -

Xaaladda Baladweyne ayaa saaka ah mid aad u kacsan, waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in goobaha ganacsiga inta badan ay xiran yihiin, dadkuna ay ka qeyb qaadanayaan banaanbaxa xoogan ee halkaas ka socda.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories