HomeWararBaarlamaanka Puntland oo aqbalay Codsi uga yimid Madaxweyne Deni

Baarlamaanka Puntland oo aqbalay Codsi uga yimid Madaxweyne Deni

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku yeeshay kulankii 18-aad ee Kalfadhiga 47-aad ee Golaha oo uu shir guddoominayay Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 49 Mudane ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada loo gudbiyey codsi Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni oo ahaa inay socoto dhammeystirka heshiiska Puntland […]

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku yeeshay kulankii 18-aad ee Kalfadhiga 47-aad ee Golaha oo uu shir guddoominayay Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 49 Mudane ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada loo gudbiyey codsi Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni oo ahaa inay socoto dhammeystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) ee Dekadda Magaalada Boosaaso.

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa aqbalay Codsigaas uga yimid Madaxweyne Saciid Deni, iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku oggolaadeen 38 Xildhibaan, cid diidayna ma jirin, waxaana ka aamus 11 Mudane.

Dhinaca kalena, maalinta Isniinta 30 Bisha November, 2020 ayaa Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Puntland yeelan doona kulanka La Xisaabtanka Golaha Xukumadda, isla markaana ay hortigi doonaan Wasiiro ka tirsan Maamulka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories