HomeWararMaareeyaha Dekadda Muqdisho oo ka hadlay Qaraxii uu ka badbaaday

Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo ka hadlay Qaraxii uu ka badbaaday

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Maareeyaha Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho Axmed Maxamed Maxamuud Waashitoon ayaa faah faahin ka bixiyay Qarax xoogan oo saakay lagula eegtay qeyb kamid ah degmada Cabdicaiis ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa la maqlay. Qaraxaas oo ahaa miino dhulka la geliyay ayaa waxaa gaariga uu saarnaa Maareeye Axmed Waashitoon lagula eegtay, xili uu marayay Isbitaalka […]

- Advertisement -

Maareeyaha Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho Axmed Maxamed Maxamuud Waashitoon ayaa faah faahin ka bixiyay Qarax xoogan oo saakay lagula eegtay qeyb kamid ah degmada Cabdicaiis ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa la maqlay.

Qaraxaas oo ahaa miino dhulka la geliyay ayaa waxaa gaariga uu saarnaa Maareeye Axmed Waashitoon lagula eegtay, xili uu marayay Isbitaalka Laansaleyti ee Isgoyska Miranaayo ee Cabdicaiis, isagoona ka badbaaday qaraxaas.

- Advertisement -

Axmed Waashitoo oo wareysi siiyay Telefashinka Dalsan ayaa waxaa uu sheegay inuu Caafimaad qabo, isla markaana uu ka badbaaday qaraxii lala eegtay, xili uu kusii jeeday goobtiisa shaqo ee Dekadda Muqdisho, uuna haatan ku sugan halkaas.

Waxaa uu sheegay Maareeye Axmed in laba kamid ah Askartiisa Ilaalada uu dhaawac soo gaaray, maadaama ay saarnaayeen qeybta dambe ee gaarigiisa oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Qooqoanta, waxaana mid kamid Askarta qeyb uu ka jabay jirkiisa.

Sidoo kale Maareeyaha ayaa shaki geliyay inay jiraan dad kale oo shacab ah oo qaraxaas waxyeelo kasoo gaartay, isagoo tilmaamay in durbo markii uu dhacay qaraxa ay ku mashquuleen Askartiisa dhaawacantay.

- Advertisement -

Si kastaba Qaraxaas uu ka badbaaday Maareeyaha Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho Axmed Waashitoon ayaa kusoo aadayaa, iyadoo xalay Qarax lagu le’day uu ka dhacay maqaayad ku taalla wadada aada dhinaca Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories