HomeWararAas wadareed loo sameeyey dadkii ku geeriyooday Qaraxii Muqdisho

Aas wadareed loo sameeyey dadkii ku geeriyooday Qaraxii Muqdisho

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Waxaa Maanta Qabuuro ku yaalla Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho Aas wadareed loogu sameeyay 8 dhalinyaro ah oo xalay ku geeriyooday Qarax xoogan oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel u dhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Qaraxa oo ahaa mid Is-miidaamin ah ayaa waxaa fuliyay qof da’ ah oo watay khamiis iskuna soo […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta Qabuuro ku yaalla Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho Aas wadareed loogu sameeyay 8 dhalinyaro ah oo xalay ku geeriyooday Qarax xoogan oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel u dhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Qaraxa oo ahaa mid Is-miidaamin ah ayaa waxaa fuliyay qof da’ ah oo watay khamiis iskuna soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, isla markaana uu gudaha u galay Maqaayad Gelato Divino oo ah goob lagu iibiyo Mac-macaan oo ay daka fadhiistaan.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo jugtiisa inta badan maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana waxyeelada inta badan ay soo gaartay dad u badan dhalinyaro oo ku Caweynayay Maqaaxida Gelato Divino.

8 dhalinyrao ah oo siwey loo yaqaanay ayaa ku naf-waayay qaraxas, halka dad ku dhow 8 qof kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, kuwaasi oo la geeyay xarumo Caafimaad oo ku yaalla Caasimadda dalka, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

Boqolaal qof oo isugu jiray Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay Aaska loo sameeyay dhalinyaradii xalay ku geeriyooday qaraxaas, iyagoona tacis loo diray.

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay inay bartilmaameedsadeen Saraakii isugu jiray Sirdoon iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa maqaaxida uu qaraxu ka dhacay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories