HomeWararAl-shabaab oo War kasoo saartay Qaraxii uu ka badbaaday Axmed Washitoon

Al-shabaab oo War kasoo saartay Qaraxii uu ka badbaaday Axmed Washitoon

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Maareeyaha Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho Axmed Maxamed Maxamuud Waashitoon ayaa ka badbaaday Qarax saaka lala eegtay gaari Qooqoan oo uu watay, xili uu mararay Isbitaalka Laansaleyti ee Cabdicaiis ee Gobolka Banaadir. Axmed Waashitoo oo wareysi siiyay Telefashinka Dalsan ayaa waxaa uu sheegay inuu Caafimaad qabo, isla markaana uu ka badbaaday qaraxii lala eegtay, xili […]

- Advertisement -

Maareeyaha Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho Axmed Maxamed Maxamuud Waashitoon ayaa ka badbaaday Qarax saaka lala eegtay gaari Qooqoan oo uu watay, xili uu mararay Isbitaalka Laansaleyti ee Cabdicaiis ee Gobolka Banaadir.

Axmed Waashitoo oo wareysi siiyay Telefashinka Dalsan ayaa waxaa uu sheegay inuu Caafimaad qabo, isla markaana uu ka badbaaday qaraxii lala eegtay, xili uu kusii jeeday goobtiisa shaqo ee Dekadda Muqdisho, uuna haatan ku sugan halkaas.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Maareeye Axmed in laba kamid ah Askartiisa Ilaalada uu dhaawac soo gaaray, maadaama ay saarnaayeen qeybta dambe ee gaarigiisa oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Qooqoanta, waxaana mid kamid Askarta qeyb uu ka jabay jirkiisa.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda dhinaca Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii uu ka badbaaday Axmed Waashitoon, iyagoona tilmaamay inuu si dirqi uga badbaaday qaraxa oo ay doonayeen inay ku khaarijiyaan.

Sidoo kale Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa ay ku dileen laba Askari oo kamid ah Ilaalada Maareeyaha Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho Axmed Waashitoon, waa sida ay hadalka u dhigeen Shabaabka.

- Advertisement -

Si kastaba Qaraxaas uu ka badbaaday Maareeyaha Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho Axmed Waashitoon ayaa kusoo aadayaa, iyadoo xalay Qarax lagu le’day uu ka dhacay maqaayad ku taalla wadada aada dhinaca Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories