HomeWararMuxuu ka yiri Duqii hore ee Muqdisho Qaraxii lagu le’day ee Gelato...

Muxuu ka yiri Duqii hore ee Muqdisho Qaraxii lagu le’day ee Gelato Divino?

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahan Duqii Muqdisho ayaa si kulul u Cambareeyay Qaraxii Is-miidaaminta ee xalay ka dhacay Maqaayada Gelato Divino ee ku taalla Koontaroolka Koowaad ee laga ilaaliyo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde dhinaca xiga Isgoyska KM-4. Taabid Cabdi Maxamed oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu marka hore tacsi tiiraanyo leh u diray […]

- Advertisement -

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahan Duqii Muqdisho ayaa si kulul u Cambareeyay Qaraxii Is-miidaaminta ee xalay ka dhacay Maqaayada Gelato Divino ee ku taalla Koontaroolka Koowaad ee laga ilaaliyo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde dhinaca xiga Isgoyska KM-4.

Taabid Cabdi Maxamed oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu marka hore tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan Qoysaskii, eheladii, iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka baxeen dadkii dhalinyrada ahaa ee ku geeriyooday Qaraxii dhacay.

- Advertisement -

Sidoo kale Duqii hore ee Muqdisho ayaa Alle Caafimaad deg deg ah uga baryay inuu siiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxa oo xiligaan lagu dabiibayo xaaladooda Caafimaad Xarumo Caafimaad, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa mid Argagixisinimo.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir in Maqaayada Gelato Divino lagu laayay haldoorradii dhallinyarada, sidoo kalena ahaa kuwo aad u firfircoon, uuna ku jiray wiil dhalinyaro ah oo gelinkii dambe ee shalay soo gaaray Muqdisho.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa qaraxii argagixisada ee ka dhacay maqaayadda GelatoDivino ee magaalada Muqdisho oo lagu laayay haldoorradii dhallinyarada ee dalka u ahaa iftiin iyo rajo. Naxariistii janno Allaha ka wada waraabiyo, dhaawacana Allaha u booga dhayo. Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska iyo ehellada, waxaana Alle uga baryayaa samir jamiil iyo iimaan saadiq ah” ayuu yiri Taabid Cabdi.

- Advertisement -

Madaxda dowladda Federaalka, Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha iyo qeybaha kala duwan ayaa si kulul uga hadlay qaraxii ka dhacay Maqaayada Gelato Divino oo ah goob ay dadka dhalinyarada xiliyada habeenkii ah ku Caweyaan.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay inay bartilmaameedsadeen Saraakii isugu jiray Sirdoon iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa maqaaxida uu qaraxu ka dhacay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories