HomeWararMaamul Goboleedkii ugu horreeyay oo War kasoo saaray Qaraxii Muqdisho

Maamul Goboleedkii ugu horreeyay oo War kasoo saaray Qaraxii Muqdisho

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeedn Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen War kasoo saaray Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee fiidnimadii xalay ka dhacay Maqaayad ku taalla wadada aadan dhinaca Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa uu sheegay inuu ka xun yahay uuna Cambaareynayo qaraxaas oo uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeedn Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen War kasoo saaray Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee fiidnimadii xalay ka dhacay Maqaayad ku taalla wadada aadan dhinaca Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa uu sheegay inuu ka xun yahay uuna Cambaareynayo qaraxaas oo uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, kaasi oo ka dhacay gudaha Maqaayada Gelato Divino oo ay dad badan fadhiyeen.

- Advertisement -

Qoraal uu soo saaray Madaxweyaha Koonfur Galbeed ayuu tacsi ugu diray qoyska dadkii ku geeriyooday qaraxa oo dhammaantood ahaa dhalinyaro, wuxuuna kuwa ku dhaawacmay uu Alle u weydiiyay Caafimaad buuxa inuu siiyo.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa musiibadii xanuunka badneyd ee ka dhacday Muqdisho. Waxaan Alle uga baryayaa intii ku dhimatay qaraxaas uu naxariistii jano ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna u booga dhayo. Shacabka Soomaaliyeed Alle haka qabto arxanlaawayaasha argagixisada ah” ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen.

8 Ruux oo dhalinyaro ah ayaa ku geeriyooday Qaraxii xalay, halka dad ku dhow 8 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo xiligii uu qaraxu ka dhacaayay fadhiyay Maqaayada Gelato Divino iyo hareeraheeda.

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay inay bartilmaameedsadeen Saraakii isugu jiray Sirdoon iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib Qoraal ay ku faafiyeen barahooda dhinaca Internet-ka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories