HomeWararDil ka dhacay Magaalada Gaalkacyo iyo faah faahin kasoo baxeysa

Dil ka dhacay Magaalada Gaalkacyo iyo faah faahin kasoo baxeysa

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in barqanimadii Maanta halkaas lagu dilay mid kamid ah Nabadoonada Caanka ahaa Waqooyiga Gaalkacyo. Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa toogasho ku dilay Nabadoonka, xili uu ku sugnaa xaafad ka tirsan Gaalkacyo, isla markaana qeybaha sare ee jirka looga dhuftay rasaas dhowr ah oo […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in barqanimadii Maanta halkaas lagu dilay mid kamid ah Nabadoonada Caanka ahaa Waqooyiga Gaalkacyo.

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa toogasho ku dilay Nabadoonka, xili uu ku sugnaa xaafad ka tirsan Gaalkacyo, isla markaana qeybaha sare ee jirka looga dhuftay rasaas dhowr ah oo markii dambe u geeriyooday.

- Advertisement -

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in raggii hubeysnaa ay goobta ugu baxsadeen Luuq yar oo halkaas ka Agdhawaa, waxaana diiqiiqdo kadib tegay goobta Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Maamulka Puntland oo Meydka qaaday.

Ciidamada ayaa xaafadaha ku teedsan halka uu dilku ka dhacay ka sameeyay howlgal lagu baadi goobayay ragii hubeysnaa, in kastoo aan lagu guuleysan soo qabashadooda,  waxaana Nabadoonka lagu magacaabi jiray Nadiir Sheekh Maxamed.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheysan iyo weeraro geystay khasaaro, isla markaana waxaa inta badan falalkii horey halkaas uga dhacay mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories