HomeWararMidowga Yurub oo War kasoo saaray dilkii Somaliland ku fulisay Lix Ruux

Midowga Yurub oo War kasoo saaray dilkii Somaliland ku fulisay Lix Ruux

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Khamiistii lasoo dhaafay Maamulka Somaliland ayaa xukun dil toogasho ah ku fuliyay lix Rag ah oo horey Maxkamadda xukuno dil ah ugu riday, kadib markii deegaano ka tirsan Somaliland ay ka geysteen dilal qorsheysan. Midowga Yurub ayaa si kulul uga hadlay tallaabada ay Somaliland xukunkii dilka toogashada ugu fulisay Lixda ruux oo in muddo ah […]

- Advertisement -

Khamiistii lasoo dhaafay Maamulka Somaliland ayaa xukun dil toogasho ah ku fuliyay lix Rag ah oo horey Maxkamadda xukuno dil ah ugu riday, kadib markii deegaano ka tirsan Somaliland ay ka geysteen dilal qorsheysan.

Midowga Yurub ayaa si kulul uga hadlay tallaabada ay Somaliland xukunkii dilka toogashada ugu fulisay Lixda ruux oo in muddo ah ku xirnaa xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa, iyagoona khamiistii la dilay.

- Advertisement -

Qoraal kasoo baxay Midowga Yurub ayaa waxaa lagu sheegay inay ka xun yihiin xukunka toogashada ahaa ee lagu fuliyay raggaas, iyagooan tilmaamay in kasoo horjeedan Go’aankii ay qaataday Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

“Midowga Yurub wuxuu leeyahay mowqif mabda ‘ah oo ka dhan ah ciqaabta dilka waxayna ka soo horjeedaan adeegsiga ciqaabta dilka xaalad kasta ha noqotee” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Ragan xukunka dilka ah lagu riday ayaa waxaa toogashadooda codsaday in loo qisaaso ehelada dadkii ay horey u dileen, kadib markii ay diideen in ay ka qaataan mag ama diyo.

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qalinka ku duugay in la toogto raggaas xukunka dilka ah lagu fuliyay, waxaana weli xabsiyada Somaliland ku xiran rag kale oo iyana ku xukuman xukuno dil ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories