HomeWararTurkiga oo si kulul uga hadlay Qaraxii ka dhacay Maqaayada Devino

Turkiga oo si kulul uga hadlay Qaraxii ka dhacay Maqaayada Devino

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Dowladda Turkiga ayaa War kulul kasoo saartay Qaraxii Is-miidaaminta ee xalay ka dhacay Maqaayada lagu iibiyo Jalaatada ee Devino ee ku taalla wadada aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Turkiga aya si kulul loogu Cambaareeyay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray […]

- Advertisement -

Dowladda Turkiga ayaa War kulul kasoo saartay Qaraxii Is-miidaaminta ee xalay ka dhacay Maqaayada lagu iibiyo Jalaatada ee Devino ee ku taalla wadada aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Turkiga aya si kulul loogu Cambaareeyay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad badan oo fadhiyay Maqaayada Devino.

- Advertisement -

Turkiga ayaa tacsi u diray Ehelada dhammaan dadkii ku geeriyooday Qaraxa iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, halka ku dhaawacmay ay Alle uga baryeen inuu Caafimaad siiyo, iyagoona weerarkaas ku tilmaamay inuu ahaa mid Argagixiso ah.

“Waxaa si xoog leh u Cambaareyheynaa Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Devino, waxaana aad uga xunahay dadka ku dhintay weerarka, waxaana Tacsi u direynaa Walaalaheen iyo Dowladda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda A/Dibadda Turkiga.

8 Dhalinyaro ah ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka 8 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ku sugnaa xiligii uu qaraxu dhacaayay Maqaayada Devino, isla markaana waxaa Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories