HomeWararBanaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeday Musharaxiinta oo dhacay

Banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeday Musharaxiinta oo dhacay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Waxaa Maanta degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo Koonfurta Soomaaliya ka dhacay Banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeday War-muriyeedkii kasoo baxay Shirkii Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhacay Muqdisho. Boqolaal qof oo isugu jiray Odayaal, Haween iyo dhalinyaro ayaa isugu tegay fagaarayaal waaweyn oo ku yaalla degmooyinka Gedo, iyagooan ahaa kuwo aad uga soo horjeeday […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo Koonfurta Soomaaliya ka dhacay Banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeday War-muriyeedkii kasoo baxay Shirkii Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhacay Muqdisho.

Boqolaal qof oo isugu jiray Odayaal, Haween iyo dhalinyaro ayaa isugu tegay fagaarayaal waaweyn oo ku yaalla degmooyinka Gedo, iyagooan ahaa kuwo aad uga soo horjeeday War kasoo yeeray Musharaxiinta ee ahaa in Gedo laga saaro Ciidanka dowladda.

- Advertisement -

Banaanbaxayaasha ku qeylinayay erayo ay uga soo horjeedan Musharaxiinta, isla markaana ay ku taageerayeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Banaanbaxayaasha ayaa watay Sawirrada Madaxweyne Farmaajo iyo boorar ay ku xardhan yihiin Erayo taageero loogu muujinayo Madaxweynaha oo ku aadan in mar kale dib loo soo doorto iyo olohihiisa Doorashada.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka ayaa qeyb ka ahaa banaanbixii Maanta ka dhacay, iyagoona sheegay in Musharaxiinta xilka Madaxweynaha yihiin kuwo doonaya inay abuuran qalalaaso siyaasadeed.

- Advertisement -

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda ayaa Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ku tilmaamay inay u baahan yihiin in la geeyo Isbitaalo, iyagoona sheegay inay kasoo horjeedan in Gedo laga saaro Ciidanka dowladda ay halkaas kal horey ku daad-gureyay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories