HomeWararOdayaasha dhaqanka oo Dalab u diray Musharaxiinta Madaxweynaha Somalia

Odayaasha dhaqanka oo Dalab u diray Musharaxiinta Madaxweynaha Somalia

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Soomaaliya ahna Madaxweynhii hore ee dalka Sheekh Shariif Sh Axmed oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka ee halkaas kunool. Kulanka ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Soomaaliya ahna Madaxweynhii hore ee dalka Sheekh Shariif Sh Axmed oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka ee halkaas kunool.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee dhacaya dhammaadka sanadkaan ee 2020/2021.

- Advertisement -

Sheekh Shariif ayaa waxaa uu sheegay in muhiim ay tahay in Odayaasha dhaqanka looga baahan inay si cadaalad ah uga qeyb qaatan doorashada dalka, isla markaana soo xulaan Xildhibaano ka qeyb qaata sidii loo horumarin lahaa dowladnimadda Soomaaliya.

Dhinaca kale Odayaasha ayaa Shariif u gudbiyay warqad ku socota Musharaxiinta xilka Madaxweynaha, taas oo ku aadan sidii ay dhici lahed Doorasho nabad ah ugana qeyb qaadan lahaayeen si xasilooni ah, iyagoona Shariifka uga mahadceliyay booqashadiisa.

Waxaa kaloo Odayaasha dhaqanka ay Musharaxiinta uu ugu horreeyo Madaxweynihii hore ee dalka kula dardaar-meen inay noqdaan kuwo isku haaya siyaasadda dalka Soomaaliya oo xiligaan meel adeg mareysa.

- Advertisement -

Kulanka uu Sheekh Shariif la yeeshay Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku wehlinaayay Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories