HomeWararMas’uul ka tirsan Dowladda Somalia oo ka badbaaday Qarax lala eegtay

Mas’uul ka tirsan Dowladda Somalia oo ka badbaaday Qarax lala eegtay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax saaka ka dhacay degmada Cabdicaiis ee Gobolka Banaadir  gaar ahaan agagaarka Isgoyska Miranaayo, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir. Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqonta oo uu la socday Maareeyaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax saaka ka dhacay degmada Cabdicaiis ee Gobolka Banaadir  gaar ahaan agagaarka Isgoyska Miranaayo, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqonta oo uu la socday Maareeyaha Dekadda weyn ee Muqdisho Axmed Waashitoon.

- Advertisement -

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxas uu qeyb kamid ah qabsaday gaariga Maareeyaha, hayeeshee Axmed isaga uu ka badbaaday, balse Khasaaro kale uu ka dhashay.

Laba Askar oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Maareeyaha Dekadda weyn ee Muqdisho ayaa ku dhaawacyo kasoo gaareen qaraxa, isla markaana waxaa loola cararay xarun Caafimaad oo ku taalla Caasimadda, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo xiligaas goobta ka Agdhawaa ayaa tegay halkaas, iyagoona hakad geliyay isku socodka gaadiidka iyo dadka ee Isgoyska Miranaayo ee degmada Cabdicaiis ee Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda iyo Maareeya Dekadda weyn ee Muqdisho Axmed Waashitoon oo ku aadan qaraxaas uu ka badbaaday, wuxuuna kusoo aadayaa, iyadoo xalay qarax khasaaro geystay uu ka dhacay Muqdisho, kaasi oo ahaa mid Is-miidaamin ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts