HomeWararMusharaxiinta Madaxweynaha oo fariin u diray hay’addaha amniga Dowladda

Musharaxiinta Madaxweynaha oo fariin u diray hay’addaha amniga Dowladda

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareeyay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan maqaayada Gelato Divino. Qoraalo kala duwan oo ay soo saareen Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ayaa waxaa ay tacsi ugu direen dhammaan qoyska, ehelada iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen qaraxii xalay uu fuliyay qof […]

- Advertisement -

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareeyay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan maqaayada Gelato Divino.

Qoraalo kala duwan oo ay soo saareen Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ayaa waxaa ay tacsi ugu direen dhammaan qoyska, ehelada iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen qaraxii xalay uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo lagu tilmaamay inuu ahaa Odey da’ ah oo galay Maqaayada Gelato Divino.

- Advertisement -

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa Alle Caafimaad Deg-deg ah uga baryay inuu siiyo dadkii ku dhaawacmay qarax, iyagoona ku baaqay in si wadajir meel looga soo wadajeysto la dagaalanka wax loogu yeero Argagixisada.

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Hay’addaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay labalaabaan dadaalkooda ku aadan sugidda amniga, wuxuuna kula taliyay ineysan ka weecan, kana mashquulin howshii loo igmaday ee sugidda amniga, si gaar ah xilliga kala guurka.

“Waxaan cambaareynayaa falkii foosha xumaa ee argagixisadu ku weerareen maqaayadda Gelato Divino ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku geeriyoodeen dhalinyaro mustaqbalka dalkeenna muhiim u ahaa. Waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaska Marxuumiinta naga baxay Allaha u naxariistee, anigoo dhaawacyadana Alle uga rajeynayo caafimaad degdeg ah. Ugu dambeyntii waxaan ku boorinaynaa Hay’adaha Amniga ee Dowladda inay labalaabaan dadaalkooda ku aadan sugidda amniga, anigoo ugu baaqaya ineysan ka weecan, kana mashquulin howshii loo igmaday ee sugidda amniga, si gaar ah xilliga kala guurk” ayuu yiri Sheekh Shariif Sh Axmed.

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay inay bartilmaameedsadeen Saraakii isugu jiray Sirdoon iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa maqaaxida uu qaraxu ka dhacay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories