HomeWararC/raxmaan C/Shakuur oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo

C/raxmaan C/Shakuur oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Sigaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa ka hadlay Banaanbax xoogn lagu taageerayay Madaxweyne Farmaajo, looga soo horjeeday Musharaxiinta Madaxweynaha oo Maanta ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo. C/raxmaan C/Shakuur oo qoraal soo saaray ayuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo aan ka tacsiyeynin dadkii xalay lagu laayay Qaraxii ka […]

- Advertisement -

Sigaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa ka hadlay Banaanbax xoogn lagu taageerayay Madaxweyne Farmaajo, looga soo horjeeday Musharaxiinta Madaxweynaha oo Maanta ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo.

C/raxmaan C/Shakuur oo qoraal soo saaray ayuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo aan ka tacsiyeynin dadkii xalay lagu laayay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho uu Maanta soo abaabulay Banaanbax lagu taageerayay.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayuu ku eedeeyay inuu soo abaabulay Banaanbixii ka dhacay Gedo oo uu sheegay inay dhigeen dad barakacayaal ah, isla markaana looga faa’iideystay duruufta heysto, waan sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Qoraalkiisa ayuu Siyaasiga ku sheegay in Madaxweynaha uusan ka nixin dhalinyaradii xalay ku geeriyooday Qaraxii ka dhacay Maqaayada Gelato Divino oo ku taalla wadada aada dhinaca Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

“Madaxweyne Farmaajo isagoo aan ka tacsiyeynin, dhalinyaradii xalay la xasuuqay, welina maydkoodii la aasin, ayuu saakay soo abaabulay barakacayaal duruufta looga faa’iidaystay. Kuwii dhintay kama nixin, kuwa la soo bixiyey kama damqan duruuftooda, shacabkana kama xishoon. Madaxweyne daaye, qof damiirkiisu noolyahay sidan uma dhaqmo” ayuu yiri CC Shakuur.

- Advertisement -

Si kastaba hadalka Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kusoo aadayaa, iyadoo weli Madaxweyne Farmaajo uusan ka hadlin Qaraxii ay ku geeriyoodeen 8 dhalinyaro ahaa, halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen, kaasi oo xalay ka dhacay Maqaayada Gelato Divino, waxaana sheegtay Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories