HomeWararCiidamo xoog ku kala Eryay dad Baladweyne ka dhigaayay Banaanbax

Ciidamo xoog ku kala Eryay dad Baladweyne ka dhigaayay Banaanbax

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle ayaa si xoog leh u kala eryay boqolaal shacab ah oo Banaanbax rabshado wata ka waday gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Dadweyne kasoo horjeeda Maamulka Hirshabeelle ayaa isugu baxay waddooyinka Baladweyne, iyagoona ahaa kuwo aad uga careysan Doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar ee uu kusoo […]

- Advertisement -

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle ayaa si xoog leh u kala eryay boqolaal shacab ah oo Banaanbax rabshado wata ka waday gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dadweyne kasoo horjeeda Maamulka Hirshabeelle ayaa isugu baxay waddooyinka Baladweyne, iyagoona ahaa kuwo aad uga careysan Doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar ee uu kusoo baxay Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.

- Advertisement -

Ciidamo farabadan oo ka tirsan Milateriga dowladda ayaa tegay waddooyinkii ay ka socdeen banaanbaxa, isla markaana kala eryay dadkii dhigaayay Banaanbaxa, sidoo kalena gubayay taayaro waaweyn oo uuro madow ay ka baxeysay goobta.

Sidoo kale Ciidanka ayaa furay waddooyinka qaarkood oo saakay dad careysan ay ku xireen birro iyo dhagxaan, waxaana Saraakiisha la socota Ciidanka ay sheegeen in marnaba aysan aqbali doonin banaanbaxa ka dhaca Xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaar kamid ah dadka dhigaaya banaanbaxa oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay inay taageero weyn u hataan Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame oo Maleeshiyaad hubeysan ku heysta duleedka Baladweyne, kaasi oo kasoo horjeeda Cali Guudlaawe iyo maamulkiisa.

- Advertisement -

Saacadihii lasoo dhaafay xaaladda Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa aheyd mid kacsanaan laga dareemayay, hayeeshee xaaladda ayaa degtay, waxaana waddooyinka lagu soo daadiyay Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories