HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Golaha Wasiirada K/Galbeed

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Golaha Wasiirada K/Galbeed

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Baydhabo kula shiray Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaalya. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Golaha Wasiirada Maamulka kala hadlay arrimo la xiriira wadashaqeynta dhexdooda ah iyo tan kala dhaxeysa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu isaga hoggaamiyo. Eng. Rooble ayaa xusay ahmiyadda ay dowladnimada u leedahay […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Baydhabo kula shiray Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaalya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Golaha Wasiirada Maamulka kala hadlay arrimo la xiriira wadashaqeynta dhexdooda ah iyo tan kala dhaxeysa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu isaga hoggaamiyo.

- Advertisement -

Eng. Rooble ayaa xusay ahmiyadda ay dowladnimada u leedahay isku xirka hay’adaha iyo wada-shaqeynta dhexdooda, isagoo ku dhiirigeliyey in la sii adkeeyo iskaashiga dowladnimo dhisidda.

“Waxaan idinku boorrinayaa in aad wadashaqeyn wanaagsan yeelataan, iskana kaashataan howllaha muhiimka u ah dadka aad matashaan iyo tan guud ee Qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale waa in la xoojiyaa wada shaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad-gobolleed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku boorriyay Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed inay la shaqeeyaan guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo Heer Maamul Goboleed, Odayaasha dhaqanka iyo ururrada bulshada ee arrintaas ka shaqeynaya, si loogu guuleysto qabashada doorasho hufan oo caddaalad ah ku dhacda.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories