HomeWararQoorqoor oo wada qorshe wada-hadal dhexmara Farmaajo iyo Musharaxiinta

Qoorqoor oo wada qorshe wada-hadal dhexmara Farmaajo iyo Musharaxiinta

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay mar kale kulan gaar ah la qaatay qaar kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ee shirka uga socda Muqdisho. Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii uu wada-hadal u dhexmari lahaa Musharaxiinta xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xiligaan uu kala dhexeeyo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay mar kale kulan gaar ah la qaatay qaar kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ee shirka uga socda Muqdisho.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii uu wada-hadal u dhexmari lahaa Musharaxiinta xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xiligaan uu kala dhexeeyo khilaaf siyaasadeed oo ku aadan Doorashada.

- Advertisement -

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Qoorqoor maalmahaan uu wado Iawi wadahadal oo u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo Musharaxiinta si loo xalliyo tabashada mushariixiinta ee ku aadan Guddiyada Doorashooyinka ee la magacaabay.

“Madaxweynaha Galmudug ayaa waday maalmahan abuurida jawi wadahadal oo u dhaxeeya Madaxda DFS & Musharixiinta xilka madaxtinimo si loo xalliyo tabashada mushariixiinta ee ku aadan Gudddiga Doorashada Dalka” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Qoorqoor ayaa sigaar ah xalay ula kulmay Musharaxiinta kala ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, C/raxmaan C/Shakuur Warsame iyo Mustaf Shiiq Cali Dhuxuloow.

- Advertisement -

Musharaxiintaan ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ka Codsaday inuu isbedel ku sameeyo Guddiyada Doorasho ee uu soo magacaabay, hayeeshee Qoorqoor ayaa Musharaxiinta u sheegay in dalabkooda uu dib ugula laadan doono Madaxda dowladda, kadibna ay kulan kale yeelan doonaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories