HomeWararMaamulka Gobolka Banaadir oo weli wada fulinta amarkii RW Rooble

Maamulka Gobolka Banaadir oo weli wada fulinta amarkii RW Rooble

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa bilaabay howlgal biyaha looga qaadayo wadada fagax ee degmadaas oo ah mid muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadka oo ay xireen biyo farabadan oo ka hooray roobabkii Caasimadda ka da’ay. Wadada Fagax ayaa sidoo kale waxaa xiray qashin iyo carro badan, waxaana haatan Maamulka Yaaqshiid bilaabay […]

- Advertisement -

Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa bilaabay howlgal biyaha looga qaadayo wadada fagax ee degmadaas oo ah mid muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadka oo ay xireen biyo farabadan oo ka hooray roobabkii Caasimadda ka da’ay.

Wadada Fagax ayaa sidoo kale waxaa xiray qashin iyo carro badan, waxaana haatan Maamulka Yaaqshiid bilaabay olole washaqda iyo biyaha looga qaadayo halkaas, kadib markii RW Rooble uu maamulka Gobolka amray in waddooyinka biyaha laga qaado.

- Advertisement -

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif ayaa  sheegay in wadada Fagax ay xireen biyo, isla markaana aad ugu adkaatay inay gaadiidka maraan, hayeeshee uu Maamulka isku howlay sidii loo nadiifin lahaa wadadaas.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdullaahi Cariif ayaa codsaday shacabka dhaqan degmadiisa inay ka qeyb qaataan Howlahaan shaqo ka socda wadadaan si loo helo wado nadiif ah, isla markaana uu dib u soo laabto isku socodka halkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Maxamed Xuseen ayaa horey Maamulka Gobolka ugu amray in waddooyinka Caasimadda ay xireen biyaha roobabkii da’ay laga qaado, isla markaana uu amarkaas fuliyay Maamulka lagana qaaday waddooyinka biyo yaallay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories