HomeWararMusharaxiinta Madaxweynaha oo bilaabay qorshe ka dhan ah Guddiyo la magacaabay

Musharaxiinta Madaxweynaha oo bilaabay qorshe ka dhan ah Guddiyo la magacaabay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Waxaa habeenkii xalay kulamo siyaasadeed oo gaar gaar ah yeeshay Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasi oo shalay shir socon doona muddo saddex maalmood ah uga furmay Magaalada Muqdisho. Kulamada gaar gaar ee dhacay ayaa diirada lagu saaray sidii kulamo loola qaadan lahaa Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug, isla markaana ay ugu […]

- Advertisement -

Waxaa habeenkii xalay kulamo siyaasadeed oo gaar gaar ah yeeshay Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasi oo shalay shir socon doona muddo saddex maalmood ah uga furmay Magaalada Muqdisho.

Kulamada gaar gaar ee dhacay ayaa diirada lagu saaray sidii kulamo loola qaadan lahaa Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug, isla markaana ay ugu gudbin lahaayeen cabashadooda ku aadan Guddiyada Doorashada ee la magacaabay.

- Advertisement -

Musharaxiinta Madaxweynaha ee ka soo jeeda Galmudug ayaa waxaa loo xilsaaray inay kulan la qaatan Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayna war ku aadan Guddiyada Doorashada ee Galmudug ka keenaan, waxaana Musharaxiintaas kala yihiin Xasan Sheekh, Xasan Cali Kheyre, C/kariin Guuleed, Dahir Geelle, C/raxmaan C/shakuur iyo Mustaf Dhuxulow.

Sidoo kale xubnaha Musharaxiinta kale ee ka soo jeeda Maamulka Hirshabeelle sida Sheekh Shariif, C/qaadir Cosoble iyo Maxamed Siiriin waxay iyana la xiriiri doonaan Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseeen Guudlaawe.

Xubnaha ayaa Cali Guudlaawe u gudbin doona cabashadooda xubnaha Guddiga doorashada uu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed cabdi Waare oo iyana la sheegay inay ku jiraan guddigaas mid ka mid ah gacan yareyaasha Taliyaha NISA iyo xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka dowladda.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories