HomeWararMaxay ka wada hadleen Cabdi Xaashi iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug?

Maxay ka wada hadleen Cabdi Xaashi iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug?

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ahna Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xaaladda dalka uu marayo, sida loo heli karo hannaan doorasho oo cadaalad ah iyo in guddiyada doorashada ay noqdaan kuwa lagu soo xulo hannaan lagu wada […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ahna Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xaaladda dalka uu marayo, sida loo heli karo hannaan doorasho oo cadaalad ah iyo in guddiyada doorashada ay noqdaan kuwa lagu soo xulo hannaan lagu wada qanacsanyahay.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa dhinaciisa sheegay in loo baahan yahay talo, wadahadal, isu tanaasul iyo heshiis loo dhanyahay si loo helo xasillooni hore loogu socdo, laguna gaaro Doorasho xor iyo xalaal ah.

Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa  sheegay in muhiim ay tahay helidda xal waara oo degdeg ah oo ay gaaraan saamileyda siyaasadda si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsanyahay.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdikariin ayaa kulan kale la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kaasi oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashada.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories