HomeWararDarawal loogu dilay Magaalaa Muqdisho muran ka dhashay Qaad

Darawal loogu dilay Magaalaa Muqdisho muran ka dhashay Qaad

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa goordhaweyd gudaha degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dilay Dawaral Mooto Bajaajle ahaa, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah. Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Askari hubeysan oo watay mooto nooca laba lugaaleyda ah uu rasaas dhowr ah ku dhuftay Darawalka Mooto Bajaaj, […]

- Advertisement -

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa goordhaweyd gudaha degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dilay Dawaral Mooto Bajaajle ahaa, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Askari hubeysan oo watay mooto nooca laba lugaaleyda ah uu rasaas dhowr ah ku dhuftay Darawalka Mooto Bajaaj, xili uu mararay agagaarka Dugsiga 21 October ee degmada Waaberi.

- Advertisement -

Dilkaas loo geystay Darawalka Mooto ayaa ka dambeeyay, kadib markii Askariga falka geystay uu isku dayay inuu si xoog leh Darawada kaga qaato qaad badan uu mootada ku watay, arrintaasina uu ka dhashay muran kooban, kadibna Askariga uu carooday, sidaasina uu rasaasta ugu furay Bajaajlihii, isagoona goobta ku geeriyooday.

Sidoo kale Askariga ayaa intaas kadib qaatay qaadkii lagu waday Mootada oo la tilmaamay inay lahaayeen qaadkaas Haween oo doonayay inay ka Ganacsadaan, hayeeshee Darawalkii u waday la toogtay, Askarigana uu ku baxsaday Mooto uu watay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood Askarta ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka dilal bareer ah shacabka ugu geysta, kadib murano kooban oo soo kala dhex-gala, waxaana Caasimadda horey uga dhacay dilal ay geysteen Ciidanka dowladda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories